Xiddiga Liverpool Luis Suarez Oo Ganaax 10 Kulan Kala Kulmay FA-ga Ka Dib Qaniinyadii Ivanovic.

FA-ga ayaa ka mamncuucay garoomada muddo 10 kulan ah weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Suarez ka dib markii uu garabka ka qaniinay daafaca Chelsea Branislav Ivanovic.

Waxaana Suarez oo shalay qirtay danbigii lagu soo oogay islamarkaana ka dooday inuusan ku raacsaneyn FA-ga sheegashadooda ah in ciqaabtiisa aysan seddex kulan ku filneyn ayaa haatan Liverpool ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyo lix kulan kale xilli ciyaareedka soo socda.

Ka dib go;aanka ganaaxa marka uu soo baxay Liverpool ayaa sheegtay inay sugayaan inay helaan qoraalka buuxa ee lagu faahfaahinayo sababaha Suarez loogu ganaaxay 10 kulan ka hor inta aysan racfaan ka qaaday, laakiin waxa ka hadleen sida ay uga xun yihiin go’aanka.

Agaasimaha kooxda Liverpool Ian Ayre ayaa yiri: “Ciyaaryahanka iyo kooxdaba anfariir ayay ku noqotay go’aanka ka soo baxay guddiga FA-ga.

“Waxaan sugi doonaa qoraalka lagu sababeynayo ganaaxa berrito ka hor inta aanan wax ka soo saarin.”

Suarez iyo Liverpool ayaa heysta ilaa 26ka bishaan April oo ah maalinta jimcaha inay racfaan ka qaataan ganaaxa lagu soo rogay.

Suarez ayaa hore ganaax sideed kulan ah kala kulmay FA-ga ka dib markii lagu helay inuu cunsurinimo ku sameeyay daafaca Manchester United Patrice Evra.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>