Ugaas Faarax Dheere Iyo Garaad Abshir Saalax Oo kamid ahaa Isimadda Puntland Ee kulanka kula yeeshay Garoowe Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamoud

K.news: Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa waxaa saacidihii ugu dambeeyay ka socday kulamo gooni gooni ah oo ay wada qaadanayeen Madaxweynaha Dawlada Federaalka,Madaxweynaha Puntland iyo Isimada. Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ iyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay wada qaatay kulan laba geesood ah oo ay Al-baabadu u xirnaayeen. Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in Madaxda Puntland iyo Federaalka ay ka wada hadleen Hirgalinta Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka iyo heshiisyadii a horay u wada gaareen Dawladaha Puntland iyo Federaalka sida ay noo xaqiijiyen Ilo Xog ogaal ah oo aad ugu dhowaa kulanka. Lama yaqaan in Labada Madaweyne ay kulankooda kuso hadal qaadeen Maamulka loo dhisayo Gobolka Galgaduud iyo Galmudug,xilli Hogaanka dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Puntland ay si wayn u dhaliileen Siyaasadda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Xassan Sheekh oo la kulmay Isimada.
Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sido kale shir Al-baabadu ay u xiran yihiin la qaatay Isimada Puntland,waxaana shirka goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’. Warar Horu-dhac ah oo uu helay Warsidaha Puntlandi ayaa sheegaya in Hogaanka dhaqanka ay Madaxweyne Xassan Sheekh ka dalbadeen inuu dalka ku hogaamiyo Cadaalad,uuna ku dhaqmo Dastuurka dalka,si loo gaaro Himilada umada Soomaaliyeed ay ku doonayaan. Wali Xog faahfaahsan kama helin natiijada kulamada Madaxweyne Xassan Sheekh uu la qaatay Maadxweynaha Puntland iyo Isimada. Dhanka kale,waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay Garowe ka bilowdaan kulamo horu-dhac ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka,kaasi oo horu-dhac u ah shirka maalinta bari oo Khamiis ah ka furmaya Garowe.

Wixii kaso kordhan Warkaan Dib ayaan kaso Daabacaynaa,hadduu EEBE idmo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>