Suarez oo Barcelona Gool Dahabi u dhaliyay iyo Barca oo 4-Dhibcood La Liga Hogaanka ku qabata

Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhawaynaysay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid, wuxuuna kulankani muhiim u ahaa jahada uu u jeedsan karo horyaalka La Ligaha oo ay iska hor  imanayeen labada kooxood ee horyaalka ugu sareeyay.

Barcelona iyo Real Madrid ayuu kani u ahaa kulankii 230 aad ee kulan rasmi ah. Real Madrid ayaa 92 ka mid ah soo guulaysatay halka Barcelona ay  guul gaadhay 89 kulan. Barcelona ayaa Camp Nou guul ku gaadhay 42 kulan. Real Madrid ayaa iyaduna Camp Nou guul ku gaadhay 18 kulan halka ay 18 kulan oo kalena barbaro ku galeen.

Barcelona ayaa kulankan soo dhawaysay Real Madrid iyada oo horyaalka hal dhibic ku haysa, waxayna doonaysay inay guul ka gaadho Madrid si ay hogaanka horyaalka u dheeraysato.Luis Ernique ayaana shaxdan ku soo galay.barcelona1

Real Madrid ayaa Barcelona soo booqatay iyada oo horyaalka hal dhibic ka danbaysay waxayna ku fikiraysay in guul ay ka soo gaadho Barcelona ay hogaanka horyaalka dib ugu soo celin doonto. Ancelotti ayaana shaxdan la soo shirtagay.real

Kulanka ayaa ku bilawday xamaasad badan oo labada kooxood ah waxaana bilawgii ciyaarta kubbada fiican  samaysay laakiin kadib markii ay ciyaartu toban daqiiqo socotay ayay Real Madrid la soo baxday wacdaro layaableh,Cristiano Ronlado ayaana daqiiqadii 12 aad Barcelona birta u garaacay isaga oo ku sigtay inuu Real Madrid hogaanka u dhiibo, laakiin dadaalkiisa ayaa birta ku dhamaaday.ronlado12

Barcelona ayaana bilawday inay weerar ku qaado goolka Madrid, waxayna ugu danbayn daqiiqadii 19 aad la timid goolka furintaanka, waxaana udhaliyay Jeremy Mathieu kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Barcelona hogaanka kula wareegtay. Kubbad laaga xorta ahayd oo Lionel Messi soo tuuray ayuu Mathieu gool madax ah ugu dhaliyay Barca.mathieu

Real Madrid ayaa bilawday inay ka dagaalanto goolka looga hormaray, waxayna bilawday inay halis badan galiso goolka Barcelona.Barcelona ayaana markii ay goolka dhalisay u muuqatay inay firfircoonaantii lumisay. Kadib dadaal badan kadib ayuu Cristiano Ronaldo kooxdiisa Los Blancos udhaliyay goolka barbarha, wuxuuna daqiiqadii 31 aad kooxdiisa ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah. Kubbad uu Modric si fiican uga soo shaqeeyay isla markaana uu  Karim Benzema cidhib ugaga tagay, ayuu Ronlado goolkan kudhaliyay.ronlado

Goolkan ayaa ahaa goolkii 31 aad ee Ronaldo ka dhaliyo horyaalka xili ciyaareedkan, wuxuuna sidoo kale goolkani ahaa goolkii 7 aad ee uu Camp Nou ku dhaliyo sideedii kulan ee ugu danbeeyay ee uu soo booqday.Goolkan ayaa sidoo kale ahaa goolkii 15 aad ee uu Ronaldo tartamada tartamada oo dhan Clasico-da ka dhaliyo, wuxuuna la barbareeyay Raul oo isaguna 15 gool ka dhaliyay Clasico-da.

Daqiiqadii 40 aad ayuu Gareth Bale Real Madrid udhaliyay gool laakiin calan walaha ayaa tilmaamay inay offside ahayd.waxa kaliya ee waqtiga nashada laga doodayay ayaa ahaa in ay offside ahayd iyo in kale.muuqaalada iyo sawirada ayaa muujinayay in aanu Bale offside ku jirin laakiin Ronlado oo kubbada soo siiyay ayaa u muuqday inuu offside ku jiray.bale

Ugu danbayn qaybta hore ayaa ku dhamaatay barbaro 1:1 ah, waxaana fursadaha ugu badan heshay Real Madrid.Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ciyaartu noqotay mid weerar iyo weerar celis ku bilaabatay.Daqiiqadii 48 aad ayuu Benzema ku sigtay inuu Real udhaliyo goolka labaad laakiin Bravo ayaa si fiican uga badbaadiyay halka uu Alves kubbadii ka soo booday iska saaray.

Daqiiqadii 56 aad ayuu jawiga ciyaartu isbadalay isla markaana ay darbiyada Camp Nou dumi gaadheen kadib markii uu Luis Suarez kooxdiisa Barcelona markale hogaanka udhiibay isla markaana uu ciyaarta ka dhigay 2:1 ay markale Barcelona hogaaka ciyaarta kula wareegtay.suarez

Dani Alves ayaa kubbad layaableh meel fog uga soo tuuray Suarez kaas oo isaguna si fiican inta uu kubbada u dajistay isla markaana uu si fiican Pepe uga farsamaystay uu Casiilas kubbad shabaqa u dhaliyay.suarez1

Goolkan ayaa ahaa goolkii ugu horeeyay ee uu Suarez ka dhaliyo kulan Calsico ah.Wuxuuna sidoo kale goolkani ahaa goolkii lixaad ee uu Suarez horyaalka ka dhalyo todobadii kulan ee ugu dabeeyay.suarezz

Daqiiqadii 65 aad ayuu Carvajal nasiib ku lahaa inuu ka badbaaday kaadhka labaad oo digniin ah kadinb markii uu qalad ku galay Neymar, laakiin garsooraha ayaana waxba tilmaamin laakiin qaladka ayaa ahaa mid aad u muuqday. Barcelona ayaana qaybta danbe soo bandhigtay qaab ciyaareed layaableh, waxaana fursado fiican oo goolal loo fishay iska qasaariyay Messi iyo Neymar. Gaar ahaana Neymar ayaa fursado badan lumiyay.

Barcelona ayaa markii ay goolka labaad la timid isku dayaysay inay kubbada ka ilaashato Real Madrid, Real Madrid ayaan qaybta danbe ee ciyaarta soo bandhigin qaay ciyaareedkii ay soo bandhigtay qaybta hore ee ciyaarta.Benzena ataaba fursad fiican helay laakiin Bravo ayaa si dirqi ah ku badbaadiyay.

Daqiiqadii 87 aad ayuu Lionle Messi helay fursad goolka saddexaad ee Barcelona loo fishay laakiin Casiilas ayaa sameeyay badaadin fantistik ah.Messi oo aan qaybta hore qaab ciyaareed fiican soo bandhigan ayaa qaybta danbe soo bandhigay qaab ciyaareed il qabadleh.messi1

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:1 ay Barcelona ku gaadhay guul dahabi ah kaga gaadhay kooxda ay colaada wayni ka dhaxayso ee Real Madrid. Guushan ayaa Barcelona ka caawisay inay afar dhibcood oo saafi ah ku qabato hogaanka horyaalka La ligaha.realm

Waa guushii 90 aad ee ay Barcelona ka gaadho Real Madrid halka ay sidoo kale ka tahay guushii 43 aad ee ay garoonkeeda kaga gaadho Los Blancos. Inkasta oo ay Real Madrid qaybta hore ahayd kooxda qaab ciyaareedka ugu fiican soo bandhigay ayay hadda qaybtii danbe noqotay mid aan wax saamayn ah ciyaarta ku yeelan

Source:Laacib

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>