Rooney Oo Halis Ugu Jira Inuu Seego Bilowga Xilli Ciyaareedka Ka Dib Dhaawac Soo Gaaray.

Wayne Rooney ayaa tartan u geli doono inuu taam noqdo bilowga xilli ciyaareedka cusub ka dib markii dhaawac uu soo gaaray.

Manchester United ayaa xaqiijisay in weeraryahanka uu ka soo laabanayo Thailand ka dib markii dhaawac uu ku soo gaaray tababarka, iyadoo kooxda ay haatan ku sugan tahay Bangkok.

Waxa ay u badan tahay in Rooney uu maqnaan doono muddo bil ah taasoo la micno ah inuu la dhibtoon doono inuu taam u soo noqdo kulanka ugu soo horeeya ee United ay ciyaareyso Premier League 17ka bisha August.

David Moyes ayaa isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo 27 jirkaan in mustaqbalkiisa uu yaala Old Trafford ka dib markii Alex Ferguson uu sheegtay in weeraryahanka uu doonayo in la iibiyo.

Tababaraha reer Scotland ayaana niyadsami ka qaba xiriirka kala dhaxeeya Rooney kaasoo uu macalin u soo ahaa markii uu yaraa, laakiin dhaawacan ugu danbeeya ayaa laga yaabaa inuu sameyn ku yeesho go’aankiisa.

 

Warbixin ay baahisay kooxda ayaa lagu yiri: “Ka dib baaris lagu sameeyay galabta dhaawac ku soo gaaray tababarka waxaa la go’aansaday in Rooney uu dalka ku soo laabto sida ugu dhaqsiyaha badan si baaris dheeri ah iyo daweynba loogu sameeyo.”

mahad xaaji

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>