Maxayna Dhexyaal: Hurgumo mise Hunguri?

by Maxammuud C. Geeldoon
Friday, February 12, 2016

Su’aasha kor ku xusani maaha midaan anigu maankayga ka keenay. Waa su’aal jirta oo dood weyn dhex dhigtay ku-xeeldheerayaasha cilmiyada buslshada, dhaqaalaha, iyo siyaasadda. Waana su’aal ay ila noqotay inaan maanta idin soo hordhigo, si aynu u wadaagno aqoonisweydaarsi ku saabsan aafada ummaddeenna Soomaaliyeed halakaysay iyo barta ay tahay inaynu maanta ka abbaarro.

Maxaa colaadaha sokeeye kiciya, maxaa sii holciya, maxaase soo-afjariddooda iyo xalkooda adkeeya?

 

Guud ahaan laba aragtiyood ayaa ii soo baxay: Mid leh dagaallada sokeeye waxaa dhaliya oodhinacyada is haya kiciya, colaaddana sii holciya damac iyo hunguri; iyo mid taa kaga duwan siday colaaddu ku bilaabanto, kalase mida siday ku dambayso. Haddaba, anoo aan sii dhex muquuranayn doodda tafaasiisheeda hoose, nuxurka aniga iiga soo baxay doodahaa iyo daraasadahaa wuxuu yahay inay colaadaha sokeeye, say u badanyihiin, maraan jaranjaro laga bartay colaadihii sokeeye ee Lubnaan, Angoola, Siiraaliyuun, Koongo, Afqaanistaan, Koolombiya, Guwaatemaala, Beeruu (Peru), Soomaaliya, iyo kuwa kale oo la mida.

 

Colaadda sokeeye waxay, sida qaalibka ah, ka unkantaa dawladda oo gabta xilka ay shacabkeeda u hayso. Xukunka dawladda ayaa waxaa maroorsada oo isku kooba ruux ama koox, kuwaasoo kutakrifala hantida dawladda iyo khayraadka ay dadku wadaagaan. Hay’adihii dawladda,xidhiidhadoodii, iyo xeerarkoodii rasmiga ahaa ayaa caynwareega oo macna beela, waxaana halkoodii gala xidhiidho iyo is-fagaradya hoose oo aan la qorin lana shaacin, kuwassoo ku qotoma eex, naas-noojis, iyo kala-gudbin. Dawladdii waxaa kasoo hadha qalfoof iyo hummaag dawladeed (shadow state).1 Dabadeed waxaa lama huraan noqda in dadweynaha badidii ay u muuqato inay dawladdii sagratay. Markay dadweynuhu isku dayaan inay cawdaanna xadhig iyo cabbudhin bay dawladdu kula kacadaa. Hadda bal bartaa aynu ku yara hakanno.

 

In yar oo toos ugu xidhan qawleysatada dheeftii dadku wadaagey isku koobaty mooyi eh, shacabku darxumo wuu ka simanyahay. Marka uu xaalku halkaa marayo, dalku wuxuu u kadanyahay colaad sokeeye. Xaabadii dabka lagu shidi lahaa waa diyaar; waxaase dhiman xolod dab ah oo lagu dhextuuro, taasna waxaa la yimaadda kan siyaasadda ka macaasha (the political entrepreneur).2

 

Siyaasad-ka-macaashe, arrin cusub ayuu meesha ku soo kordhiyaa: Baahidii iyo darxumadii ay, in yar mahee, dadku ka sinnaayeen, ayuu wuxuu foodda u saaraa oo u aaneeyaa haybta (identity), wxuxuuna ka dhaadhiciyaa inta uu taagerada ka rabo inay darxumadoodu ku timi ula-kac iyo cadaalad-darro iyaga si gaar ah loola beedgsaday, taasoo loollankii u yeesha caqiidad (creed) fasirta sida wax u jiraan, qiilla u noqota siday tahay in la yeelo.3 Kooxdii dawladda u talineysey iyana sidaa si la mida caqiidad taa hore lid ku ah ayay taageerayaashooda, aanay marnaba waxtar iyo ciirsi toonna u lahayn, ka dhaadhiciyaan, taasoo ah in kuwa dawladda ku kacay ay hayb ahaan u keceen iyagana jiritaankooda halis ku yihiin. Laba qoys oo deris ah, haybse ku kala duwan, oo labaduba isku si u wada tabaalaysan, midkoodnana aanu dawladda dheef ku qabin, ayaa collooba oo mindiya isu qaata, waxaana halkaa ka qarxa dagaal sokeeye oo ku salaysan wax

lakala aamminsanyahay kase durugsan runta. Caqiidadaasi waxay ku salaysnaan kartaa diin, sidaLubnaan, ama kala-sarrayn dhaqan-dhaqaale, ama hayb qabiil sida tan Soomaalida oo kale. Kaalinta kuwa macaashaka ka daya siyaasaddu ay ku yeesahaan dagaallada sokeeye waxaa tusaale fiican u ah siduu dagaalkii sokeeye ee Siiraaliyuun ku bilawday iyo siduu isu rogey. Wuxuu ku bilawday kacdoon ay horseed ka ahaayeen arday xaq-u-dirir ah, waxaase kala wareegey kooxo aan damac iyo hunguri mooyee wax kale deeqin.4

 

Si kastaba ha ahaatee, colaadda iyo dagaalka sokeeye waxay ku dambeeyaan saddex midkood:5

 

1) Libta oo koox raacda, kooxdaasoo kooxaha kale wixii ay damacsanayd ku sandulleysa(asymmetrical victory);

2) Ismariwaa xanaf kulul oo kooxaha wada xanuujiya oo geyeysiiya inay xal doorbidaan (hard symmetrical or mutually hurting stalemate and resolution);

3) Kala-gurasho koox kasti danteeda ka dhex aragto, iyo loollan joogta ah oo dhidibbada aasta (soft, stable, self-serving stalemate and entrenched conflict).

 

Labada xaaladood ee hore xal ayaa laga gaadhi karaa, xaaladda saddexaadse xalkeedu wuu adkaadaa, waana tan ay maanta Soomaaliya ku sugantahay. Waa maxay sababtu?

 

Loollankoo sii daba dheeraadaa wuxuu keenaa in qorhsihii caqiidada ku dhisnaa ooy koox walbi iska dhaadhicisay uu rumoobiwaayo; waxaana halkeedii gala damac iyo hunguri (greed);6 dabadeedna xaalku wuxuu isu beddelaa:

 

Nin quwaax hela, nin qadhoon hela, nin qar dheer kora, nin iskaba qada ha la qarafsado….

 

Damaca iyo hungurigu waxay colaadaha sokeeye ku soo kordhiyaan dhaqamma aan lag fili karin. Tusaale ahaan, Yuguslaavia markay burburtay ooy dagaalladu aafeeyeen waxaa la arkay kooxa col ah oo haddana dabbaabado kala kiraysanaya.7 Sidaasoo kale, dagaalkii sokeeye ee Siiraaliyuun waxaa la arki jirey ciidammada dawladda iyo RUF-tii ka soo horjeeddey oo dhaqdhaqaaqooda isla socodsiinaya si ay isugu fududeeyaan boobka shacabka, isu-gudbinta hubka, iyo iska-ilaalinta isku-dhaca, taasoo dhalisay inay shacbku ugu yeedhaan cayaar laysla ogyahay (fixed match).8

 

Damaca iyo hunguriga dadku kama wada sinnaadaan, isku sina uguma wada macaashaan.Horboodayaasha kooxaha ayaa waxay dhisataan nidaamyo boob iyo tala-maroorsi ku dhisan. Waa nin iyo taagtii! Haddana, saasoo ay tahay, bal car yaa runta sheega oo afka ku kala qaadi kara sidanayba iigu badisaa!

 

Dhinacyadii dagaalku dhexmaray waxaa xukuma oo qareen u ah kuway dantu ugu jirto inay xaaladdu say tahay aanay iska beddelin. Kamase maqlaysid! Waxay dacwaddooda iyo dooddoodu mar kasta tahay qoontiiba lama dhayin!9 Macnuhuna waa hay hillaato!

 

Bal aynu saanta hore u qaadnee, dawlad caynkee ah ayaa xaaladdaa damaca iyo hunguriga ku dhisan ka dhalan karta?

 

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa Lubnaan. Markuu dagaalkii istaagey, dawladdii la dhisay lama ay iman nidaam dhaqaale oo cusub ee waxay uun sharciyaysay kii dagaalka iyo fawdada ku yimi.10 Waa xaaraantii oo la xalaaleeyey! Oo waa kudkii oo kaba loo tolay!

 

Akhristow yaan hadal kugu daalinnine, bal maxay kula tahay baa innaga khuseeya xaaladdan ayaqoonyhannadaan hoos ku xusay bayaamiyeen?

 

Waxaynu ka dheregsannahay sidaynu shan-iyo-labaatan sannnadood burburkii dawladda ka dib weli dib ula soo noqon kari la’nahay dawlad taabba gal ah, iyadoo ay inna soo mareen heshiisyaku- sheegya badan oo wada noqday hal bacaad lagu lisay. Maxaa dibuheshiisiin dhaba innaga hortaagan?

 

Haddaan dhinac kale ammuurta uga wareego, bal aynu dib ugu laabanno labadii reer ee deriska ahaa aanse isku qabiilka ahayn. Reerkiiba saddex carruura ayay xabbaddu leeftay, darxumada haysataana waa sidii hore iyo si ka daran. Adeegya ay dawlad ka helaanna haba sheegin. Labadaa reer waxay kala raacsanyiin laba maammul. Khad cagaaran baa dhex yaal. Mid kastana waxaa weli ka dhaadhacsan laguna aqriyaa caqiidadii aynu hore uga soo hadallay, caqiidadaas oo ku beertay milil iyo hurgumo.Waxay u baaban yihiin oo u faruurxidhanyihiin cisaabado isku xidhan (siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ) oo aan marnaba oggolayn isbeddel dhaba oo ummadda isu keeni kara.

 

Shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysani waa inay runta waddanka ka jirta ogaadaan. Taasina waa hawl u taalla xogogaalka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed oo iskaashada, oo si mug iyo qota leh u baadha, u dersa, uga baaraan dega, ugana warkeena awoodaha dhabta ahee ka jira dhammaan gobollada dalka: siday isugu xidhanyihhin, iyo asaaliibta ay ku shaqaystaan, iyo waxay dadka ku beerlaxawsadaan. (Ogaada, ilka abeeso hoos ka xidhiidhsan).

 

Odhaah Marykan ah ayaa waxay tiraahdaa, marka dembi la baadhayo oo la furfuri kari waayo, follow the money (lacagta daba gal). Say wax innoogu iftiimaan, halla baadigoobo hantida qaranka iyo halkay marto?

 

Bal u fiirso, meel kastoo ay tahay, magaalooyinka waaweyn oo dhan, hantidii qaranka ayaa dad gaara laga iibiyaa. Yay dani ugu jirtaa? Dhuxusha debedaha yaa u daabbula? Noolihii badda iyo goomihii shisheeye yaw daldala? Xawaaladuhu cashuur miyay baxshaan? Isgaadhsiintu miyaanay hanti qaran ahayn? Yaa qaadka innoo soo warrida oo ka taajira? Mooskii isaga warkiisa daa! Lacag been ah iyo sicir-barar yaa ku fakhriya oo yaa ka taajira? Dugsiyadii lacag bay noqdeen! Jaamacadihii lacag bay noqdeen! Cusbataalladii lacag bay noqdeen! Biyihii lacag bay noqdeen! Intaba yaa ka hodmoo ka taajira? Danyar yaw dagaallama? NGO maxay tahay ama ahayd? Qandaraasyaa la saxeexayaa! Qalin baa hantida lagu boobayaa! Markaasay haddana tolla’ayeey inna oranayaan! Dhulka yaa ka dawlada?

 

Ruux walboow waxaad u warhaysid sheeg! Waa waajib qaran! Oo waa siduu Eebbe ummddeenna faray! Saasaa shacabka kuwa maankooda xaday lagaga xorayn karaa. Saasaa daawo iyo caafimaad lagu heli karaa.

Guul iyo Gobannimo!

Maxammuud C. Geeldoon

Qoraaga The Yibir of Las Burgabo

mgaildon@aol.com

Tixraacyada:

1 William Reno, Greed and Grievance, Lynn Reinner Publishers, p. 45

2 I. William Zartman, Rethinking the Economics of War, Woodrow Wilson Center Press, pp. 266-267

3 Ibid. p. 269

4 Jimmy D. Kandeh, Rethinking the Economics of War, Woodrow Wilson Center Press, p. 85

5 I. William Zartman, Rethinking the Economics of War, Woodrow Wilson Center Press, p. 274

6 Ibid. p. 268

7 Paul Collier, Greed and Grievance, Lynn Reinner Publishers, p. 101

8 David Keen, Greed and Grievance, Lynn Reinner Publishers, pp. 35-36

9 Paul Collier, Greed and Grievance, Lynn Reinner Publishers, p. 92

10 Elizabeth Picard, Rethinking the Economics of War, Woodrow Wilson Center Press, p. 34

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>