Manchester City Oo Dadaal U Galeysa sidii uu ugu soo biiri lahaa Zlatan Ibrahimovic.

Manchester City ayaa diiradeeda u weecisay weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic oo ay u arkaan bedelka Carlos Tevez kaasoo ku biiray kooxda Juventus xagaagan.

Wargeyska The Independent ayaa sheegaya in Man City ay u dhaqaaqeyso saxiixa gooldhaliyaha PSG oo jariirada kale ee Daily Mirror ay iyadana sheegeyso in labo isbuuc kaliya ay ku qaadatay inay isku dhacaan macalinka cusub Laurent Blanc.

Xiddiga reer Sweden ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsaneyn imaanshiyaha Edinson Cavani ee kooxda, mana doonayo inuu xiddiga labaad ka noqdo kooxda oo uu ka danbeeyo xilli ciyaareedka soo socda ciyaaryahanka reer Uruguay.

Waxaana jariirada Ingariiska ka soo baxda ay sheegeysaa in Manchester City oo gooldhaliye suuqa ugu jirta ay ku heli karto lacag jaban oo gaareysa 17 milyan ginni.

PSG ayaa la filayaa in isbuuca soo socda ay dhameystirto saxiixa Edinson Cavani oo ay kala soo wareegayaan Napoli ka dib markii ay ogolaadeen inay bixiyaan 63da milyan euro ee qandaraaskiisa lagu burburin karo.

Waxaana la filayaa inuu maalinta isniinta tijaabada caafimaadka u maro kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska

mahad xaaji

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>