Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta kulan gaara la yeeshay Jaaliyada SSC ee magaalada Toronto.

Toronto K.news: Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa maanta la kulmay  qaar kamida odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahayka Dhulbahante oo ku nool magaalada Toronto. Odayashaa ayaa  madaxweynaha  su’aalo dhowr ka weydiiyey guud ahaan Somalia, Puntland gaar ahaana degaanada Sool Sanaag iyo Cayn.

Waxgaradkan ayaa madaxweynaha weydiiyey balan qaadkii madaxweynuhu  ku galay doorashadii ee ahaa dhulka maqan, dhibaatadii magaalada Taleex  iyo xiisada hadda cusub ee deegaanka Bixin. Madaxweyanaha ayaa dhammaan su’aalihii ka jawaabey, waxayna madaxweynaha iyo odayaashu kulankoodii ku dhammaaday heshiis iyo afgarad.

Ugu dambayntii, waxgaradka ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha isagoo waqtigu aad ugu yaraa, waqtiga uu siiyey, wuxuuna sidookale madaxweynuhu ka mahadceliyey kulanka iyo iswarayiga xubnaha ka socday jaaliyada SSC la yeesheen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>