Kooxda Kubadda Cagta Ee Arsenal Oo 2:0 kaga badisay Kooxda Bayern Munich (SAWIRRO) :

(K.news)  Kooxda Arsenal ee dalka Britain ayaa dib boorka isaga jaftay si ay u soo celiso rajadeeda ciyaaraha horyaallada Yurub, kaddib markii ay af-ka ciidda u dartay xalay kooxda Bayern Munich ee wadanka Jarmalka oo ay kula ciyaartay magaalada London.

Arsenla waxay rajo ka qabtaa inay u gudubto wareegga 16-aad UEFA Champions League, iyadoo wajaheysa loolan adag; kaddib markii laga badiyay labaddii kulan ee ay horay ula soo ciyaartay kooxaha Dinamo Zagreb iyo Olympiakos oo ay gurigeeda ku marti qaaday.

Balse, Arsenal oo uu macalinka u yahay Arsene Wenger ayaa jawaabtay adag ka bixisay kulammadii laga adkaaday, iyadoo kooxda Bayern Munich uga badisay 2-0, goolashan oo la dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Naadiga Bayern Munich ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan, laakiin Arsenal oo ciyaar wanaagsan iyaduna soo bandhigtay ayaa ku dadaashay sidii ay ugu badin lahayd garoon-keeda Emirates ee London, daqiiqadii 77-aad gooleedii koowaad u dhaliyay ciyaaryahan Olivier Giroud.

Goolkii guusha ayaa waxaa Arsinal u dhaliyay weeraryahankooda Mesut Ozil oo goolkiisa dhaliyay waxyar uun kaddib markii la dhaliyay goolka koowaad, taasoo niyad-jab weyn ku keentay kooxdii ay la ciyaarayeen ee Bayern Munich.

Macallinka kooxda Arsenal, Wenger ayaa si aad ah u ammaanay goolhayahooda Petr Cech oo xalay badbaadiyay kubaddo badan oo lagu soo hal-gaaday, kuwaasoo qaarkood u muuq-deen sidii gool oo kale, laakiinse uu goolhayuhu diiday inay shabaqooda galaan.

Dhanka kale, waxaa xalay ka dhaawacmay kooxda Arsenal laacibkooda Ramsey kaddib markii uu booday muruqa sare ee lugta midig, iyadoo garoonka laga saaray, laguna bedelay ciyaaryahan kale oo ka tirsan kuwa Arsenal.

Ugu dambeyn, ciyaartii xalay ayaa ahayd mid aad u xiiso badnayd, iyadoo sidoo kale ay ciyaarayeen kooxo waaweyn oo ka tirsan Qaaradda Yurub, kuwaasoo inta badan badiyay, inkastoo ay jiraan kuwo barbarro galay.

See more at: http://www.hiiraan. com/news/2015/Oct/wararka_maanta21-93479.htm#sthash.YU7SlwaK.dpuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>