Kabtan Paul Pogba Oo Xulka France Ku Hogaamiyay Koobka Adduunka Ee U20.

France ayaa ku guuleysatay koobkeedii ugu horeeya ee Koobka Adduunka ee ciyaartoyda da’dooda ka hooseyso 20 jirada ka dib markii finalka ay rigoore 4-1 kaga badiyeen xulka Uruguay, iyadoo 120 daqiiqo oo la ciyaaray ay isku dhaafi waayeen barbaro 0-0 ah.

Ka dib ciyaar la isku daalay oo ka dhacday caasimada Turkey ee Istanbul, rajadii Uruguay ayaa aasantay markii ay qasaariyeen labadii rigoore ee ugu horeysay.

Waxa ay dhaliyeen rigooradoodii 3aad aheyd midoodii ugu danbeysay oo ay ka dhigeen 3-1, laakiin France ayaa shabaqa dhex dhigtay rigooradii guusha ciyaartii xamaasada laheyd ee ka dhacday Ali Sami Yen Arena.

Xiddiga Juventus Paul Pogba oo xulka France U20 kabtan u ahaa ayaa dhaliyay rigooradii ugu horeysay ee France wixii markaas ka danbeyayna gadaal ma aysan firiinin, iyadoo xulka Uruguay uu argagax galay markii ay u baahnaayeen natiijo.

Goolhayaha France Alphonse Areola ayaa labo rigoore badbaadiyay iyadoo Foulquier uu rigoorada guusha u dhaliyay France.

Dhanka kale Ghana ayaa kaalinta 3aad ka soo gashay Koobka Adduunka U20 ee ka socday Turkey ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen Iraq oo booskaas ay ku tartamayeen.

mahad xaaji

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>