Cismaan Yuusuf oo tallo usoo jeediyey Beesha Sool Sanaag iyo Cayn, arrimo xasaasiyana ka hadlay (Video)

K.news: Cismaan Yuusuf Axmed oo kamida Qurbajoogta UK, gaar ahaan magaalada Birmingham ayaa isagoo ku hadlaya afka Jaaliyada SSC ee Birmingham usoo jeediyey tallo guud ahaan reer SSC gaar ahaana gobolka Cayn  iyo dadweynaha reer Buuhoodle.  Cismaan  wuxuu uga digey reer Buuhoodle inaan loogu soo dhuuman magaca Dhulbahante ee sida xun loo isticmaalayo iyo maamul aan jirin, Cismaan wuxuu xusay inay dadkani yihiin kuwii cadowga gacanta u geliyey Iyagoori, Laascaanood, Xuddun, iyo Taleex maanta uu qorshoodu yahay sidii Buuhoodle gacanta loogu dhigi lahaa.

Cismaan wuxuu ka digey in Prof. Cali khaliif  iyo Cabdalle Cagalule  aanay dhib mooye dheef u ahayn Dhulbahante,  maamulkii Dhulbahante samaystayna waa la ogaa meeshii ku dambeeyey in lagu  danaystay, dhibaato, iskudir iyo dhul cadow lagu soo hogaamiyana uu horseeday.

Dhanka kale,  Cismaan wuxuu u mahadnaqay issimada gobolka Cayn ee uu hogaaminayo isimka guud ee gobolka Cayn Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe isagoo kula dardaarmay inay nabada iyo deris wanaaga ka shaqeeyeen ninkii diidaa isagoo cirka roob ku oge! Hadalkaas oo u dhacaya beesha bariga Burco oo colaad Dhulbahante go’aansatay iyagoo ku daba gabanaya jabhadda SNM ee maamulka Somaliland isugu yeedha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>