MADAXWEYNE CABDIWALI “PUNTLAND WAXAY HALKAAN U TIMI WADA TASHI BALSE UMA IMAN IN AANU KA-QAYB QAADANO GO’AANO HORE LOO GAAREY “

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25-Jan-2016 xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir hordhac u ah shirweynaha madasha wadatashiga qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.
Shirka ayaa waxaa iyana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Baarlamaanka dawladda federaalka, madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka kajira iyo Wakiillada Beesha Caalamka.

Shirkaan oo gogol xaar u ahaa shirweynaha madasha wadatashiga qaran ayaa waxaa ugu horraynba khudbad kajeediyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo khudbadiisa ku sheegay in ay jiraan heshiisyo lagu soo gaarey shirkii Kismaayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo intaasi kadib khudbad xasaasi ah kajeediyey shirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Dalwadda Federaala, isla markaasna sheegay in uu ka xunyahay in madaxda sare ee dalku ay shirka ka sheegaan warar aan sal iyo raad lahayn.

“waxaan aad uga xumahay beesha caalamka iyo madaxda soomaaliyeed hortooda inaan ka caddeeyo warka ka soo yeeray Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha ee sheegay in Kismaayo heshiis lagu gaadhey, waxaanse halkan kaxaqiijinayaa in aanay jirin wax heshiis ah oo lagu soo gaarey magaalada Kismaayo oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo waftigiisu ay halkaan u yimaadeen wadatashi balse aanay u socon in ay qayb ka ahaadaan go’aano hore loo gaadhey, isagoona ku celiyey mawqifkii Puntland ee ahaa in Deegaan wax lagu soo doorto si loo helo metelaad shacbi oo dhab ah.

“Puntland waxay halkaan u timi wada tashi, si loo helo dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad, balse uma iman in aanu ka-qayb qaadano go’aano hore loo gaarey,sidoo kalena Puntland kama shaqaynayo go’aano ay cid keliya halkaan ku gaartey, mawqika Puntland waa In Deegaan wax lagu soo doorto” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Deutsche CEO predicts cash will be gone in a decade

DAVOS, Switzerland (Reuters) Cash wont be around in a decade, the chief executive of one of Europes biggest banks predicted on Wednesday.

“Cash I think in ten years time probably won’t (exist). There is no need for it, it is terribly inefficient and expensive,” John Cryan, chief executive of Deutsche Bank, said during a discussion on financial technology, known as fintech.

Other predictions made during the panel discussion at the World Economic Forum in Davos included James Gorman, chief executive of Morgan Stanley, who warned against hysteria surrounding fintech.

This is going to unfold over many years in many ways.”

Dan Schulman, CEO of Paypal, flagged cybercrime as the biggest threat to the financial industry.

The big next stress is that the financial system is going to be hacked for one or two days”.

Aas qaran Oo Maanta Burco loogu sameeyey AHN Yusuf Muuse . (Video)

Shacabka Iyo  Maamulka gobolka Togdheer ayaan u kala hadhin sida ay uga xun yihiin falkaasi iyo waliba sawiro aan munaasib ahayn oo warbaahinta si khalad ah loo galiyey. Qalbi wanaaga ay muujiyeen waa mid soo dhawayn mudan.

Burco K.news: Waxaa maanta lagu aasay magaalada Burco  Alle Haw Naxariistee Yusuf Muuse oo shalay lagu dilay magaalada Burco,  gacanku dhiiglayaashii ayaa iyagana gacanta lagu hayaa. Waxaa si aad loogu diirsaday u canbaareeyey falkaasi dhamaan waxgaradka gobolka Togdheer. waxaana si aan mugdi ku jirin ay u balan qaadeen in sharciga lala tiigsado dadkii geystay falkan foosha xun.

Dadka Colaadda ka hurinaya Bixin iyo Buurowaddal Ujeedadoodu waa Buuhoodle ayaan loo ciidamin.

K.news: Hadal badan looma baahan, waxaase muqadas ah in cidii ku wax ku qaadanaysa la xasuusiyo dadka durbaanka colaadeed ka tumaya Buuhoodle ee leh Bixin yaaleh, Waw yaaleh in ujeedkooda koowaad tahay in Furin been abuur ah la sameeyo,  taas oo laga gol leeyahay labo ujeedo: 1) dhaqaalaha qurbajoogta in lagu majaro habaabiyo Furinta Bixina wax haloo diro. 2) Wax ciidamis ah yaanay Buuhoodle ka helin cidnaba.

Baarlamaanka Oo soo bandhigay suaalihii ay weydiiyeen Raisal wasaare Cumar Cabdirasheed Ali

Sabti, Maarso 12, 2016 (K.news)  Guddoonka Baarlamaanka Somalia, ayaa Maanta Qaraar kasoo saaray natiijada Kulammadii Albaabadu u xirnaayeen oo Baarlamaanka Soomaliya ay dhammaadkii kal-fadhigii Todobaad Suaalaha ku Weydiiyeen masuuliyiinta iyo saraakiisha Amniga oo uu Hoggaaminayay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Qaraarkan oo uu Warbaahinta u Akhriyey ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka, ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka, Mahad C/lla Cawad, kaasoo lagu xusay qodobbo dhowr ah.

Ugaas Abdilaahi Ciise Nuur oo wax laga waydiiyey Shir Dhexmaray Golaha Sare ee Dhaqanka iyo Xildhibaanada Dawlada Somalia ee ka soo Jeeda Deegaanada SSC

Khamiis Maarso 3 Boocame:  Waxaa waraysi kooban la yeeshay Ugaas Cabdillahi Ciise Noor, wariye Cali dhagjar oo wax ka weydiiyey arimo ayaamahan xiisad ka abuuray deegaanka Bixin ee Gobolka Sool iyo guud ahaan socdaal ay magaaladda Boocame ku yimaadeen xildhibaano ka soo jeeda deegaamadda SSC Oo ka tirsan xildhibaanadda dowladda Federalka. Waraysiga oo kooban halkan ka dhegayso: