Booqashadii Bixin Iyo Buurawadal, Khudbado Xanbaarsan hadalo maslaxo iyo nabadeed oo halkaasi laga jeediyey (Video)

Buurawaddal K.news: Kulan ka dhacay deegaanka buurawadal una dhaxeeyay isimada degaanada khaatumo cuqaal odayaal iyo waxgarad intooda badan ka tagay magaalada laascaanood iyo xildhibaanada ka soo jeeda degaanada khaatumo ee ka tirsan baarlamanka puntland ayaa lagu gorfeeyay waxa laga yeelayo bar kontorool oo maamulka gobolka nugaal dhigay deegaanka Bixin ee gobolka sool

Beeshu Cad Quudheed Qaadanmayso!

Maxammuud Cali Geeldoon

Virginia USA K.news: Waa dhawaaq qallafsan; waa dhawaaq aad mooddo inuu ku mudayo; waa dhawaaq mataxan; waa dhawaaq aad ka didayso; haddana waa dhawaaq macna weyn xambaarsan.

Beeshu cad quudheed qaadanmayso!  Beeshu cadkaa uma qalanto!  Beeshu waxay xaq u leedahay waa inay heshaa! Beeshu kalsoonidii way kala noqotay… .Weedhahaas oo dhammi il keliya ayay ka soo wada burqanayaan.  Mana aha wax innagu cusub, ee waa waxaynu caadeysanney oo ku arooraya dhaqan  gaammurey oo qabaa’ilka reer guuraaga ah lagu yaqaan.

Akharistow, bal aan meel kale kuula haadee, markaad taariikhda dib u milicsato, maxay kula tahay inay Amxaaradu sed ugu yeelatay inay dadyow aad uga tira badan xukunto, Soomaali iyo Oromo, iyo, Danaakil, iyo qabaa’il kaloo bandanna u diidey iney dawlada iskood u yeeshaan, bal dad kaloo ay xukumaan ha joogeene?  Mase kuu muuqataa siyaalaha ay isu salsallaabaan ummuuraha ka taagan waddamada Afqaanistaan, Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Yaman, iyo Soomaaliya? Intuba waa Muslimiin; intuba waxay ka soo jeedaan qabaa’il; intuba dawladdii ka luntahy ayay dib u hanankari la’yihiin.

Dawlad la’aanta ma huwin karro Islaamka, illeen waxaynu wada ogsoonnahay in Islaamku uu dawlad dhisee aanu dawlad burburin. Waxaa soo hadhay qaab-bulsheedka qabiilka ku dhisan.  Haddaba bal aynu isla dhuganno waxay ku-xeel-dheerayaahsa cilimga bulshadu ka qoreen qabaa’ilka reer guuraaga ah iyo xukun-dawladeedku waxay kala mutaan.

Rabbi haw naxariistee, dadaalkiisana ha ka ajar siyee, caalimkii weynaa ee Muslimka ahaa oo loo yaqiin Ibin Khalduun (dhashy 1332 milaadi), waa ninka bilaabay cilmiga loo yaqaan cilmiga bulshada (sociology), wuxuu sheegay in dhulka ay qabaa’ilku ku badan yihiin ay adagathay sida dawlad looga dhisaa. Aragtida Ibin Khalduun waxay ku salaysantahay in hoggaamiyaha qabiilku uu wax ku hoggaamiyo qancin ee aanu lahayn awood uu wax ku muquuniyo.  Qabiilka waxaa isu keena“Alcasabiya” ama tol-la’ayeey iyo habarwacasho, mase gaadhsiin karto taasi xukun muquuno ku dhisan haddaanay helin ruux diin ku kiciya oo ku abaabula.

Bare Sare Victor Azarya oo isna aad ugu xeeldheer cilmiga bulshadu wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Nomads and the State in Africa in qabaa’ilka reer guuraaga ah ee qaaradda Afrika ay qaarkoodna iskood dawlada u samaysteen, qaar kalena ay dawlad la’aan dheceen.  Kuwa iskood ugu guuleystey inay dawlad samaystaan waxaa ka mida buu yiri Tutsiga Ruwaanda iyo Burundi, Hiimaha (ama Humaha) Yugaandha iyo qabiilka ballaadhan oo Fulaaniga loo yaqaan.  Waxaa xusid mudan in Fulaanigu ay horraantii qarnigii 18-aad ilaa badhtamihii qarnigii 19-aad galbeedka Afrika galaa-bixinayeen jihaad ay dawlada ku dhiseen.  Kuwa aan iskood ugu guuleysan inay dawlad samaystaan waxa ka mid ah buu yiri Tuareq, Tubu, Maasai, Turkana, Soomaalida iyo kuwa kaloo badan.

Haddaad isna aqrido kitaabka la yiraaho Tribes and State Formation in the Middle East waxaa kaaga baxaya waxyaala badan ooy ka mid tahay siday qabaa’ilka reer guuraaga ah ee badhtamaha Aasiya (Inner Asia) ilaa laba kun oo sannadood iyo ka horow iskood ugu guuleysteen inay xukun-dawladeed yeeshaan, qabaa’ilka reer guuraaga ah ee Bariga Dhexena aanay Islaamka la’aantii ku guuleysan inay xukun-dawladeed yeeshaan. Waxaa la yaable sida Bare Sare Bassam Tibi (asligiisu Suuri yahay) oo kitaabkan aan xusay cashar ku leh uu walaac uga muujiyey sida dadyowga Carabta ah uu weli ugu weynyahay qabiilku, inkastoo inta hadda reer guuraaga ka ahi ay aad u yartahay.  Wuxuuna kaloo Professor Tibi welwel ka muujiyey siday Dawladaha Carabtu ugu guuldarraysteen inay qabaa’ilkooda kusoo hoos ururiyaan  dhisme qaran ooy xuddun u tahay muwaaddinnimo (citizenship).  Waxaa iyana kitaabkaa ku cad inaanay qabaa’ilku noqon karin tiir ay dawladi isku hallayn karto.

Bare Sare Mark. S. Weiner oo sharciga ka dhiga jaamacadda Rutgers ee Dalka Maraykanka ayaa wuxxu qoray kitaab aad qiima u leh oo la yaraahdo The Rule of the Clan.  Wuxuu Professor Weiner ka abbaarayaa oddoroska qabaa’ilka dhinaca qaanuunka, wuxuuna aad cuskanyaa caalim hore oo Ingiriis ahaa oo la oran jirey Henry Sumner Maine, kaasoo qarnigii 19-aad aad waxa uga qoray taariikhda bulshooyinka iyo qawaaniinta.  Henry  Maine wuxuu bulshooyinka u kala qaybiyey labo: Society of Status iyo Society of Contract (Bulsho ku dhaadata martabad iyo magac qabiil iyo bulsho ku dhaadata oo ku dhqanta axdi ay wada leedahay).  Waxay bulshada hore (Society of Status) ugu gudbi kartaa bulshada labaad (Society of contract) iyadoo la kobciyo dawladda iyo hay’adeheeda.

Waxa suurta gala inaad is tiraahdo MA SHISHEEYAYNU DHAQANKA IYO TAARIIKHDA BULSHADEENNA MARTI UGA NAHAY? Waana su’aal gara.  Waxaadse ogaataa marka la derso bulshooyin badan oo ku nool dhulal iyo deegaanno kala duwan lana baadho siday dhaqammadoodu isu salsallaabaan ama u kala duwanyihiin, waxaa soo ifbaxa sababaha keena astaamaha iyo tiirar dhaqammeedka bulshada.  Tusaale ahaan, qabaa’ilka ku dhaqan kaymaha Congo iyo kuwa ku dhaqan kaymaha Brazil siyaala badan ayay isu salsallaabaan, taaso ka dhalatay bii’adaha ku xeeran oo isu eg.

Dulucda iiga baxday inta yaree aan ka bowsadey waxay culimada bulshadu ka qoreen isla-falgalka qabaa’ilka reer guuraannimada ka soo jeeda (gaar ahaan kuwa Bariga dhexe iyo Geeska Afrika) iyo dawladnimadu waa sidan:

1-      Qabaa’ilka reer miyiga ahi iskood uma yeeshaan dawlad haddii aanay laba xaalo ku kulmin: kala-sarrayn dhexdooda ah, iyo dhul barwaaqa ah;

2-      Qabaa’ilka reer miyiga ah oo siman waxaa dhaqaajiya oo isu duma cabsi debedda kaga timaadda ama dareen iyo hoggaan diin ku dhisan;

3-      Qabaa’ilka reer miyiga ahi inkastoo ay reer magaale noqdaan haybtoodu ma guurto mana doorsoonto, kamana xoroobaan hilowga, hiilka, qabka iyo madax-taagga reernimada ku dhisan;

4-      Ruuxa leh dhaqanka qabaliga ah ee miyiga ka soo jeedaa magaca iyo martabadda reer tolkiis ayaa kala weyn tan bulshaweynta, amabase qaranka, uu ka midka yahay;

5-      Dawladda qabaa’ilka isku hallaysaa ma raagto;

6-      Qaabiilku waa la saanqaadi karaa dawlad diin ku dhisan, sida kuwii hore ee Islaamka, lamase saan qaadi karo dawladda casriga ah ee loo yaqaan nation-state.

Akhristow, hadday intaasi kuu dhacdo, maxaad ka malaynaysaa soo-noolaynta dawladdii Soomaaliya?  Sidee ayaynu u dhisi karraa dawlad qaran?

Waxaan caad innaga saarrayn in innagoo (waa Soomaalida e) qarniya badan jirrey aynu danayn weyney inaynu isxukun dawladnimo samaysanno.  Waxaa qab iyo faan innoo ahaa inaan cidina cid u talin.  Innagoo saas u dhaqan ayaa quruumo iyagu isxukumay (waa Ethiopia iyo Reer Europe eh) ay doolaalo innoogu yimaaddeen oo muquuno iyo sandulle innagu xukumeen.  Dabadeed wixii aynaan innagu dhexdeenna iska yeeli jirin ayaynu shisheeye ka yeellay. Wuxuu Rabbi qadderey in qayb innaga midi ay yeelato dawlad iyo dhul ay u madax bannaantahay adduunkana laga aqoonsanyahay. Dawladdii markaynu luminnay, waxaynu lasoo baxnay geddii aynu lahaan jirrey oo ah qabaa’il aan isxukumin. Ma waxaynu gallay giraan wareegeysa oo hadba halkaynu sannada hore ka gudubney innagu celineysa?

Beeshu cad quudheed qaadan mayso!

Ogoow, hadda beeshu xad hoose ooy ku ekaato male.  Beeshu cad quudheed qaadan mayso heer walba way soo taagantahay, ilaa hoos loo gaadho laba walaala ah.  Isbahaysiyada hadda muuqda oo awoodda is biday waa xumbo berri dabayshu qaadi doonto marka ay meesha ka baxado cabsida iyo qoonsimaadka ay qabaa’ilku kala qabaan.  Qabiilkii isku soo hadhaa oo xukun-dawladeed oo gaara yeeshaaba ha ogaado in dabkii uu ku guban lahaa uu hoosta ugu jiro.

Guntii iyo gunaanadkii, waxaynu haynaa qabaa’il geddii ay lahaan jireen lasoo baxay oon rabin inay isxukumaan iyo danaystayaal ay saas ugu badiso oo ku badhaadhay oo dadka ugu sheekeeya waxay ku beerlaxawsadaan cilmise aan ku dhisnayn.  Waa si aynu, haddaynu Soomaali nahay, shisheeye ugu gacan geleyno, sidii horeba u dhacday waagii laynakala qaybsaday.  Siday caqliga u geli kartaa in sidii aynu boqollaalka sano ku dhisikari weyney dawlad, aynu hadda ku raadinno soo-clinta dawladdii Soomaaliyeed?

Qabiil dawlad ka radii waa halkii ay sartu ka qudhuntay daawa ka raadi; hoggaamiye qabiil talo iyo miciin ka sugna waa Ilaah talada kaa qaad!

Maxammuud Cali Geeldoon
Medical Physicist
mgaildon@aol.com

Ugaas Abdilaahi Ciise Nuur oo wax laga waydiiyey Shir Dhexmaray Golaha Sare ee Dhaqanka iyo Xildhibaanada Dawlada Somalia ee ka soo Jeeda Deegaanada SSC

Khamiis Maarso 3 Boocame:  Waxaa waraysi kooban la yeeshay Ugaas Cabdillahi Ciise Noor, wariye Cali dhagjar oo wax ka weydiiyey arimo ayaamahan xiisad ka abuuray deegaanka Bixin ee Gobolka Sool iyo guud ahaan socdaal ay magaaladda Boocame ku yimaadeen xildhibaano ka soo jeeda deegaamadda SSC Oo ka tirsan xildhibaanadda dowladda Federalka. Waraysiga oo kooban halkan ka dhegayso:

Beesha Guulleed Garaad oo tacsi u diraya qoyska reer Qodax, Geeridii Cali Qodax Allaah ha u naxariistee.

Anaka oo ah dhamaan beesha guuleed garaad gude iyo dibadba waxaan tacsi tiiraanyo
leh u direynaa qeyskii iyo qaraabadii asxaabtii uu ka geeriyoodey marxuum CALI QODAX
oo 25/2/2016 ku geeriyoodey magaalada laascaanood ee gobolka sool marxuum Cali qodax
waxa uu ahaa inta uu noolaa odey aad looga yaqaano dhamaan dhulka ssc aadna looga qadariyo
  Hadaba hadaanu nahey qurbajoogta beeshu waxa ay tacsi gaara u dirayaan ENG Maxamud
Cali Qodax oo ka mid ah aqoonyahanada ku dhaqan dalka mareykanka gaar ahaan magaalada
MINISOTA oo uu marxuum Cali qodax aabe uu u ahaa iyo dhamaan awlaadii uu ka geeriyoodey marxuum Cali qodax waxaana leenahey in uu marxuumka naxariistii jano eebe uu ka waraabiyo
eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan eebe uu ka siiyo.
WAXAA TACSIDA DIRAYA
1- Garaad Abshir Saalax Maxamed Garradka Beesha GG
2- DHamaan cuqaasha beesha Guuleed Garaad
3- Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Buley
4-Keyse Cabdi yuusuf Wasiirka Amniga Maamulka khaatumo
5-Rashiid Diiriye Faarax
6- Eng Mahdi maxamed cali samatar
7-Eng Maxamud Cali Jidaal
8-DR KHaalid Axmed Geele
9- DR.Sayid Cali Jidaal
10- Cabdi Cali JIdaal
11- ENG.Maxamed Budhe
12- G/Sare Yuusuf Cabdi Hayaan TUKE
13- Odey Cali Axmed Geele
14- Odey Axmed Qodax
15  Odey Xirsi Mahad
16- Saleebaan Xaashi DHeere
17- SHeekh Maxamed Hambaase
18- Cabdirisaaq Xirsi DHabarlow
19-Abokar Xaaji Maxamud Mire
20- Cali Gurey Cali Carab
21- Cawil Maxamed Xasan (Baalweyn)  iyo caruutiisa
22- Cabdisalaan xaaji xirsi
23- Cabdicasiis saleebaan shire Gurey
24- Asad Maxamed Awaare
25- ENG Cali Raambe
26-IMAAN Cismaan Kaarshe
27- Axmed Cali jidaal
28- Xuseen nuur  Yare
29- Maxamed Cali Abokor Gaalkacayo
30- Jaamac Cali jidaal
31-ENG Faarax Sugaal
32- Cabdirashid Ukun
33- Cabdisalaan R uuraa
34- ENG Axmed Muuse Dariiqo
35- maxamed qaloocow
36- yaasiin qaloocow
37- abshir qaloocow
38- Xaantiye
39 KHumayni
40- Maxamed Axmed bide
41- Siciid Saleebaan Hugur
42- Cabdirashid Abokor Seed
43- Cabdisataar saleebaan
44- Maxamed Xasan guuleed
45- Xasan Cabdi Qoobyare
46- Weriye Igare Tifatiraha Webka Balicad
47- Weriye Cabdi Ciro Webka widhwidh online
48- maxamed sheef
49- Abshir Cabi qoobyare
50- Saleebaan Ceydiid
  DHINACA GBDHAHA
  1- Foosiya Xaaji Dirir
  2- Samsam Xaaji dirir
  3- Ifraax Ruuraa
  4- Faadumo Hindi Cali Carab
  5- Maryan nuur Yare
  6- Sawda bicir
7- Samawada
 8- Farxiya jaamac yuusuf cali jeer
9-Aamina xiis buraale
10- Foosiya Gacan jilib
11-Sahra saleebaan gurey
12- Foosiya xirsi mahad
13- Foosiya ciise Keyse
14- Xukun Cumar qeybdiid
15- Aniisa aadan xaaldiid
16- Aamina Saleebaan Indhagudhan
17- Xaali dhoodi
18- Safiya Dilaal
19- DHamaan Gabdhaha Ururka Misbaax
20- Faadumo Geelqaad
21- Samsam Saleebaan Dabeyl
22- Faadumo Siciid
23-Aamina Cabdi Godob
24-Kaltum Maxamed
25 Safiya Nadalo
25- Suweys Raambe
26- Xaliimo AWmuuse ciise ducaale
27- dhamaan gabdhaha beesh GG EE reer minisota
  UGU DANBEY WAXAANU MAR LABAAD LEENAHEY SAMIR IYO IIMAAN
  ILAAHEY HA INAGA WADA SIIYO MARXUUMKANA NAXARIISTII JANO EEBE HA
 WARAABIYO       AAMIIN AAMIIN   AAMIIN
 INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Bahda kalshaalenews hadii aanu nahayna waxaanu marxuumka sidoo kale uga baryeynaa in ilaahay ka waraabiyo Janatul Fardowsa, eheladdii iyo qaraabadiina ka siiyo samir iyo iimaan. aamin aamin.

Qurbejoogta SSC Oo Cambaareeyey Dhulboobka Bixin.

Febraayo 29, 2016 K.news: Sida Umadda Soomaaliyeed wada ogsoon tahay xuduudka Gobolka Sool iyo Nugaal wuxuu ku asteysan yahay xuduudkii ingiriiska iyo talyaaniga ama xadka kala badha waqooyi iyo koonfurta Somaliya, waana arin cad oo ku fadhida 18 kii Gobol ee Somaliya.

Waxaa ayaan daro ah in dad iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ay weerar qaawan oo dhulboob ah ay ka bilaabeen degaamo ka tirsan Gobolka Sool, kuwaas oo ayaamahanba rabshado ka taagnaayeen.

Anagoo ah Qurbejoogta Gobolada Sool iyo Sanaag waxaanu cambaarayn u soo jeedinaynaa Masuuliyiin iyo dad ka soo jeeda Gobolka Nugaal oo Dhulboob ka bilaabay degaamo ka tirsan Gobolka Sool, kuwaas oo ayaamihii ugu dambeeyey si sharci daro ah u calaamadsanayey degaano aanay lahayn ama xuduudkooda ahayn.

Dhulboobkani wuxuu abuurayaa amaan daro iyo isku dhac beelaha walaalaha ah ee oodwadaagta ah, wuxuuna meesha ka saari doona dhamaan xidhiidhkii dadka ka dhaxeeyey.

Waxaan kale oo aanu aad uga xunahay in masuuliyiin ka tirsan xukuumada Puntland ay dabada ka wadaan, kuwaas oo u muuqda inay u tafaxayteen inay colaad iyo xasilooni daro ka abuuraan.

Sidoo kale waxaan Maamulka Puntland ku dhaliilaynaa inay ka baaqsadeen kaalintoodii, islamarkaana shaatigoodii loo soo huwaday in lagu boobo degaananada gobolka Sool.

Sidoo kale waxaan shacabka Gobolada Sool iyo Sanaag ugu baaqaynaa inay xasiloonida iyo nabada ilaaliyaan, balse hadii laga noqonwaayo dhulboobka degaamadooda lagu hayo ay ku waajibtay inay isdifaacaan, islamarkaana ay la kaashadaan cidkasta oo ay gacan uga helayaan, maadaama shacabkii Puntland ay walaaltinimadii iyo hiilkii aynu ka sugaynay ku bedeleen inay dhulkeenii Boobaan.

ALLAA MAHADLEH

KHAALID M MUUSE DHIIL