Arturo Vidal Oo U cadeeyey mowqifkiisa Real Madrid: Waxaan Doonayaa Inaan Sii Joogo Juventus.

Arturo Vidal ayaa meesha ka saaray inuu u dhaqaaqayo Real Madrid xagaagan, isagoo sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Juventus.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 26 jirka ah ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu, iyadoo wararka ay soo jeedinayeen in Los Blancos ay dalab sarre oo 36 milyan euro ah u diyaarisay xiddiga reer Chile, laakiin waxa uu qirtay inuu sii joogi doono kooxda horyaalka Italy heysata.

“Waan la dhacay xiisaha ay Real Madrid aniga ii heyso, laakiin waxaan doonayaa inaan sii joogo Juventus” ayuu Vidal ku yiri shir jaraa’id.

“Waa wax fiican inaan ogaado in kooxda ay iska diiday dalab sidaas u muhim ah iyadoo xitaa aan marna ka fiirsan.”

Agaasimaha guud ee Juventus Giuseppe Marotta ayaa isna carabka ku adkeeyay muhiimada uu Vidal u leeyahay kooxda Antonio Conte, isagoo weliba rajeynaya inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda mustaqbalka dhow.

“Waa ciyaaryahan xoogan, waxaana uu muhim u yahay horusocodka Juventus” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Xiriir ayaan la leenahay wakiiladiisa. Wax dhibaato ah kalama kulmi doono inaan heshiiska u cusbooneysiino.”

Qandaraaska haatan uu Vidal ku joogo Juventus Stadium ayaa dhacaya 2016

mahad xaaji

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>