Arsenal Iyo Real Madrid Oo Loo Sheegay In Qiimaha Luis Suarez Ugu Ugu Yaraan Noqon Karo £40 Milyan

Liverpool ayaan texgelin doonin dalab kasta oo ka yar 40 milyan ginni oo u yimaada weeraryahanka doonaya inuu baxo Luis Suarez sida ay qortay The Sun.

Kooxaha Real Madrid iyo Arsenal ayaana haatan ku tartamaya saxiixa xiddiga reer Uruguay ee mudadii uu England joogay sameeyay waxyaabo badan oo muran keenay.

Gunners oo laga soo diiday dalab 30 milyan ginni ah, ayaa waxaa la sheegayaa inay la laaban doonto dalab 35 milyan ginni ah.

Laakiin sida ay The Sun sheegeyso jawaab la mid ah tii hore ayaya soo heli doonaan, iyadoo Reds aysan dooneynin inay qiimahaas iyo wax u dhow ay texgelin siiyaan.

Arsene Wenger ayaa Suarez ka dhigtay target-kiisa koowaad madaama u dhaqaaqistooda weeraryahanka Real Madrid Gonzalo Higuain ay noqotay mid haatan hakad uu soo galay.

Laakiin sharuud ku xirneyd qandaraaskii Suarez ayaa la micno ah in Reds aysan texgelin doonin dalab ka yar 40 milyan ginni.

Iyadoo Suarez uu qandaraaskiisa Anfield uga harsan yahay ilaa 2016, Liverpool cadaadis kuma saarna inay iska iibiyaan 26 jirkaan inkastoo uu doonayo inuu baxo.

Suarez ayaa ganaax kaga maqnaan doona lixda kulan ee ugu soo horeysa xilli ciyaareedka cusub ka dib markii uu qaniinay daafaca Chelsea Branislav Ivanovic waxaana la filayaa inuu tababarka kooxda ku soo laabto dhamaadka isbuuca danbe.

Xiddiga kale ee reer Uruguay Sebastian Coates ayaa isna laga yaabaa inuu ka tago Liverpool.

Fulham ayaa dooneysa daafacan 22 jir ah, kaasoo doonaya inuu ciyaaro si uu boos uga helo xulkiisa Uruguay ee Koobka Adduunka.

mahad xaaji

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>